Qoor-qoor oo galabta Muqdisho soo gaaray +SAWIRRO

1235

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdishu.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey Wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha bulshada.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Madaxda dowlada goboleedyada K/Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa horey ugu sugnaa magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkaas, waxaana weli la sugayaa madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.