Qoor-qoor oo maanta aaday Turkiga +SAWIRRO

1633

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay maanta Dalka Turkiga.

Inta uusan dhoofin garoonka diyaaraddaha Aadan Cade, ayuu shir jaraa’id ku qabtay, kuna faaf-faahiyey arrimo badan; waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirka Dhuusamareeb ku qabsoomi doonno waqtigii lagu ballamay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Madaxweyne Qoor qoor ugu ambabaxo dalka dibediisa tan iyo markii xilka loo doortay dhowr bilood ka hor.