Qoor Qoor oo QM diyaarad ka saartay Muqdisho loona qaaday Nairobi

1944


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta safar deg deg ah oo aan horay loo shaacin ugu baxay magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah oo ay leedahay Qaramada midoobey, iyada oo weli aan sirasmi ah loo ogaan waxyaabaha uu ku qotomo safarka Madaxweynaha Galmudug ee Magaalada Nairobi.

Wararkii ugu dambeeyey ee  ka heshay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu shirar hoose Nairobi kula geli doono saraakiil katirsan beesha caalamka, isagoona maalinimada berri ah ku soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Socdaalka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalinta berri ah lagu wado in uu Muqdisho ka furmo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.