Qoor-Qoor, oo shir alaabada u xiran yihiin laqaatay Siyaasiinta Beeshiisa

1907

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiinta beeshiisa ee kusugan magaalada Muqdisho, si gaar ah waxay uga wada hadleen Isbedeladii siyaasadeed ee dhacay iyo sidii ay ku heli lahayeen mawqif mideysan, waxana kulanka kasoo dhex-muuqday xubno mucaaradka katirsanaa oo la dhacsan Aragtida Qoor-Qoor.
Ilo ku dhaw-dhaw kulankan ayaa ii xaqiijiyey in ay isku raaceen xubnahan in ay wadajir u raadiyaan jagadan, qofka qabanaya uu go`aan ka gaaro Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo kulan balan ah laleh Madaxweyne Farmaajo, xili wararku sheegayaan in RW kasta oo la magacabo u baahan doono waqti dheeraad ah.

Beesha Habargidir ayaa xooga saaraysa, in ay hesho Raysalwasaaraha cusub, waxaana ku gadaaman dhacdooyin wa weyn oo la xariira xagga siyaasadda, iyadoo ay socdaan qodobo dheeraad ah oo la socota magacaabida qof kasta oo la keeno waqtiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha waqtigu ka dhamaanayo ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna tagay Muqdisho galabtay, isagoo doonaya in uu xoojiyo go’aanka Qoor-Qoor, waxaana wada hadal gaar ah oo ay ku yeesheen khadka telfoonka habeen kahor ay isku raceen in ay isku mawqif ka noqdaan arrintan.

Liiska xubnaha u tartamaya jagadan, waxaa kusoo biiray sadex musharax oo cusub, kuwaas oo ay kamid yihiin qaar uu hadda si rasmi ah u riixayo Madaxweynaha Galmudug, waxaase xogaha rasmiga ah ay kala cadan doonan kulanka Villa Soomaaliya uu kula yeelanayo Madaxweyne Farmaajo.