Qoor-qoor oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Guriceel +Sawirro

1600

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu horkacayo ayaa si aan caadi aheyn oo milgo iyo sharaf leh loogu soo dhaweeyey Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa; Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamanka Galmudug iyo xubno ka mid ah Gollaha wasiiradda GM.

Dadweyne fara badan ayaa soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha u soo baxay, iyagoo sitay boorar lagu qoray ereyo soo dhoweyn iyo sawirada Madaxweynaha

Madaxweyne Qoor Qoor oo khudbad u jeediyey dadweynaha isku soo baxay ku ammaan kala dul dhacay Shacabka reer Guriceel.

“Guriceel waxaa la iigu soo dhaweeyay si aan la iigu soo dhaweyn meelihii kale ee aan tagay, Waxaana dhihi karaa Guriceel waa magaaladda Ganacsiga Galmudug, Sidoo kalena waa halbowlaha bulshada reer Galmudug” ayuu yiri madaxweyne Qoor-qoor.