Qoor qoor oo wada qorshe ka caraysiiyey Villa Somalia

1449

 


Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wada qorshe cusub oo lagu hirgelin doono qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa doonaya in xal deg deg ah laga gaaro khilaafka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya iyo guddiga hirgelinta ayaa doonaya in doorashada xildhibaanada golaha shacabka lagu soo koobo caasimadaha dowlad goboleedyada iyo Muqdisho.

Qoorqoor ayaa damacsan in la bedelo qodobkii horay loogu heshiiyey ee ahaa in doorashadu ka dhacdo caasimadaha iyo hal magaalo oo kale taasi oo ay markii hore keentay madaxtooyada Soomaaliya si doorasho loogu qabto gobolka Gedo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doonaya si loo qanciyo Puntland iyo Jubbaland oo diidan faragelinta federalka ee gobolka Gedo in doorashada lagu soo koobo magaala madaxyada dowlad goboleedyada taasi oo durba caraysiisay madaxtooyada Soomaaliya iyo saaxiibadeeda gobolka Gedo.

Qaar kamid ah xubnaha taageersan madaxweyne Farmaajo ayaa durba baraha bulshada ka bilaabay olole ka dhan ah madaxweyne Qoorqoor iyo qorshahaan oo ay u arkaan mid loogu hiilinayo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada ee lagu heshiiyey isla markaana guddiyadii doorashada aysan weli ku soo biirin maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diidey qaabka ay wax u socdaan.