Qoorqoor Iyo Lafta-Gareen Oo Shuruudo Ku Xiray Ka Qeyb Galka Shirka Xalane

1491

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamulada ee la filayo inuu ka dhaco Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cabdicaiis Xasan Lafta-gareen ayaa la sheegay inay laba shuruud ku xireen ka qeyb galka shirkaas oo Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqon doonto.

Labada Madaxweyne ayaa dalbaday in shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka lagu qabto meel ka baxsan Xerada Xalane oo haatan loo qorsheeyay inuu ka dhacdo halkaas.

Sidoo kale Axmed Qoorqoor iyo Cabdicaiis Laffta-gareen ayaa sheegay inay doonayaan in Shirka ay Madaxda isugu yeerto dowladda Federaalka, isla markaana dowladda shaaciso waqtiga iyo halka lagu qabanayo, in kastoo uusan jirin weli wax war ah oo kasoo baxay labada maamul.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka maqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda, waxaana ku sugan oo kaliya Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo degan xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waa markii horreeysay ee Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Cabdicaiis Laffta-gareen shuruudo ku xiraan ka qeyb galka shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Axmed Madoobe iyo Saciid ayaa horey looga bartay inay shuruudo ku xiraan ka qeyb galka shirarka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, iyagoona horey shuruudo culus ugu xiray ka qeyb galka shirar dhacay.