Qoorqoor oo Balanbal kaga dhawaaqay gogol dib-u-heshiisiineed +SAWIRRO

1573

 

Madaxweynaha Galmudug ayaa gaaray Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha waxa ku wehliya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha oo garoonka kubadda cagta kula hadlay dadweyne isu soo baxay ayaa sheegay in degmada Balanbal lagu qabano gogol dib-u-heshiisiineed ee beelaha degga Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhaceen degaanada hoos yimaada degmada, islamarkaana maamulkiisa uu dadaal ku bixin doono sidii beelaha loo heshiisiin lahaa.

Dadweynaha soo dhaweeyay ayuu u sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin iyo sidoo kale horumarinta adeegyadda bulshada.