Qoorqoor oo magacaabay laba wasiir +Qabiilada & Magacyada

1978

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Mud: Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”
Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug; Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:-

1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka soo jeeda beesha Ceyr/Habar-gidir, wuxuuna ahaa gudoomiyihii guddiga Doorashooyinka Galmudug

2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha oo ka soo jeeda beesha Murusade/Abakar.

Xilka Wasiirka qorsheynta ayaa ahaa mid lagu muransanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana isku hayay dhinacyo kala duwan oo daneynayay xilkan oo isugu jiray Xildhibaano, Ganacsato iyo rag kale oo ku dhowaa Madaxda dowladda.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulkaasi, waxayna labadaan xil ahaayeen kuwa uu muran ka taagnaa balse markii dambe xal laga gaaray.

Hoos ka akhriso wareegtada