Qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka bilowday Muqdisho

1538

Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uliyiintii Degmooyinka Goboladda Gedo, iyo Jubooyinka ayaa Magaaladda mudisho kawada qorshe ka dhan ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha jubbaland.

Cusmaan Nuur Xaaji oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan qorshe doorasho kale loogu qaban lahaa Jubbaland.

Waxa uu sheegay in Mas’uuliyiintii Degmooyinka Gedo, iyo Jubbadda Dhexe ay ku sugan yihiin Magaaladda Muqdisho,islamarkaana la sugayo mas’uliyiinta Jubadda Hoose iyo magaaladda Kismaayo.

Gudoomiye Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in qorshaha Muqdisho la isugu yimaaday ay tahay sidii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda soomaaliya iyo Mas’uliyiinta kale ugu wada-hadali lahaayeen qorshaha dhismaha Jubbaland Cusub.

Waxa uu sheegay in doorashadii dhawaan ka dhacday kismaayo ee uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed madoobe ay aheyd mid sharcidaro ah,islamarkaana rajeynayaan in ay dhacdo doorasho xalaal ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday doorashadii Axmed Madoobe iyo kuwii kale ee ka dhacay Magaaladda Kismaayo,waxayna sheegtay in doorasho kale la qaban doono dhawaan.

Dhanka kale waxaa socda dadaalo Qaramadda Midoobay ay wado oo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedka Jubbaland,waxaana Kismaayo gaaray wafdi uu hogaaminayay Ergeyda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Jemes Swan.