Qoyska George Flyod oo lasiinayo 27 Million oo doolar

1190

Qoyska George Flyod oo ahaa nin madow ah oo sida arxan darada ah loogu dilay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa hada helaya lacag malaayiin dollar ah oo magdhaw ahaan loo siinayo.

Magaalada Minneapolis ayaa ansixisay in magdhow gaaraya 27 Million oo doolar la siiyo qoyska George Flyod, waxaana lacagtan bixinaya maamulka magaalada uu katirsanaa askarigii dilkaasi geestay.

Lacagtan magdhawga ah ayaa qaarkeed waxaa lagu kaalmeyn doonaa xaafadii uu dilkan ka dhacay, gaar ahaana goobta isaga loogu magacdarey, oo ganacsiyadii ku yaaley ay waxyeelo ka soo gaartey rabshadihii ka dhashey dilkii Floyd.

Illaa lix ka tirsan xeer-beegtida dhageysan doonta dacwadda dilkii George Floyd ee gobolka Mnneapolis ayaa la xulay, iyada oo tirada guud ee loo baahan yahay ay tahay in la helo 12 xeer beegti ah.

Askari cadaan ah ayaa dil dunida ka argagax iyada oo si toos ah muuqaal looga duubayo u geestay George Flyod, waxaana dilkan ka dhashay caro badan oo abuuray in rabshado xoogan ka dhacaan dalka Mareykanka gobolo badan oo katirsan.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN