Rag Alshabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee Muqdisho oo lasoo bandhigay + sawirro

1576

Kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsanaa Shabaab.

Howlgalka oo xoogiisa laga sameeyay degmada Wadajir, ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Shabakad isku xiran oo ka tirsan Amniyaadka Shabaab ee dilalka ka geysata degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey.

Ragga la soo qabtay oo saddex xubnood ah ayaa waxa ay qirteen ka mid ahaanshahooda Ururka Al Shabaab & inay gaystaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Shuceyb C/llaahi Xaaji oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (Axmed), ayaa u qaabilsanaa dilalka ka dhaca inta u dhaxeysa Suuqa Weyn, Isbitaalka Madiino ilaa Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir. Ismaaciil Maxamed Aweys oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (Yaxye), waxa uu Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca Wadajir iyo Dharkiinleey.

Qofka u danbeeya ee Saddexaad waa Maxamed Cismaan Macalin Axmed oo magaciisa Afgarashada ee Shabaab ku sheegay (C/weli), waxa uu qirtay inuu qaabilsanaa oo kaliya kala gudbinta hubka howlgalada dilalka ah lagu fuliyo.

Raggan oo Shan sano katirsanaa Shabaab, ayaa xiliga la soo qabanayay waxa ay ku howlanaayeen dil ay doonayeen iney u geystaan haweeney kamid eheyd ergooyinkii Xildhibaanada soo doortay, taasoo Qaad ku iibisa beerta Jaadka ee Degmada Hodan.