Rag ariga magaalada kadhameeyay oo lasooqabtay

160

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay saddex nin oo loo haysto kiis xasaasi ah, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ragga lasoo qabtay ay kamid yihiin shabakad ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, isla markaana lagu qabtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Booliska ayaa si gaar ah dhalinyarada lasoo bandhigay ugu eedeeyay inay xadi jireen xoolaha nool, gaar ahaan Ariga, oo ay ku qaadan jireen gaari nooca raaxad ah.

Ciidanka boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan saldhigga boliiska Wadajir ayaaa soo xiray saddex eedeysane oo kamid ah shakabad ah ku eedeysan xatooyo xoolo dad weyne oo ka mid yihiin xoolaha nool gaar ahaan Ariga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka booliska.

Sidoo kale booliska ayaa intaasi kusii daray inay raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga wafaaqsan.

Taliska booliska ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada, si loo soo qabto cid weliba oo halis ku ah amniga caasimada.

Waxaana la marsiin doonaa cadaaladda. Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammniga liddi ku ah lasoo xariir xafiiska gurmad ee boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa la raaciyay.

Soo qabashada raggan ayaa timid, kadib markii ay duubtay kaamirada CCTV, iyaga oo xadaya neef Ari ah, muuqaalkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Internet-ka.