Ciidamada booliiska dalka Pakistan, ayaa xabsiga dhigay rag lagu eedeeyay in dil ay ugu magacdareen dil sharafeed u geestay nin iyo naag aan is qabin balse wada noolaa, waxaana dilkan uu hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Pakistan.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa laga arkayay rag gaaraya 11 qof oo jooga meel bannaan , kuwaa oo tooganaya haweeney la sheegay in ay xaas aheyd sidoo kale carruur u joogeen iyo nin saaxiib la ahaa haweeneydaasi wada noolaanshana kala dhaxeysay.
Wasiirka ugu sareeya ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan uu falkan ka dhacay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkan gobolka ka dhacay , waxa uuna ku tilmaamay inay tusaale u tahay waxa si khaldan loo yaqaano dil sharafeed.
Bulshooyinka qaar ee kunool dalka Pakistan , ayaa fuliya waxa ay u yaqaanaan dil sharafeed, hasa ahaatee dilalka nuucaan ah ayaa sharcidarro ka ah dalka Pakistan, inkastoo wali si joogta ah dalkaasi iyo meelo kalaba uga dhacaan waxa loo yaqaan dil sharafeedka.