Rag hubeesan oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

1631

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel ku dhaw halka loo yaqaan khaliifa waxa ay ku dileen labo nin oo dhalinyaro ah oon wali i dhab ah heebtooda loo garan waxa ay ahaayeen.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada amaanka ragan ay toogteen ay ku hubeesnaayeen biskoolado, waxa ayna ciidamada iyaga oo howlgal ku jira toogteen labadaasi ruux halka ruux kalana uu ku dhaawacmay rasaasta.

wararka qaar ayaa sheegaya in ay ahaayeen rag hubeesan oo inta badan beegsada ciidanka dowlada halka warar kalana sheegayaan in ragaasi ahaayeen burcada dhaca u geesta shacabka.

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oon la hadalnay ayaa dhankiisa noo sheegay in ragan la toogtay ay kamid ahaayeen kooxaha hubeesan ee dowlada kasoo horjeeda, waxa uuna sheegay in lagu dilay howlgal booliiska sameeyeen.

Laamaha amaanka dowlada ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dilkan ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray saraakiil katirsan ciidanka dowlada oo baaritaano kuwa dilkaasi.