Rag ka tirsan Al-shabaab iyo hubkooda oo la qabtay

20

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho sadax xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku howlana falal lidi ku ah amaanka Muqdisho.

Sadaxdaan nin oo la sheegay iney ahayeen shabakad isku xiran ayaa ciidanka NISA gacanta kusoo dhigeen iyaga iyo hubkii ay wateen, laba Mooto Bajaaj iyo hal Mooto Fekon oo la tilmaamay iney ku baxsan jireen marka ay fal amni daro geystaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ragaan qaarkood horay loo qabtay, iyadoo lagu tuhmayo falalka haatan lagu soo qabtay, islamarkaana sidoo kale ay jiraan xubno ka tirsan shabakadaan lasoo qabtay oo weli baxsad ah, kuwaas oo ciidamada amaanka ay ku raad joogaan sidii loo qaban lahaa.

Shakabadaan NISA ay gacanta kusoo dhigtay ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu ahaa amniga Muqdisho mid sii xumaanayay, kadib dilal loo geysanayay ganacsatada iyo qaraxyo ka dhacay qeyba ka mid ah Muqdisho.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Hay’adda NISA:-