Rag Kenya hubgelinayay oo gacanta lagu dhigay +SAWIRRO

1671

Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo Soomaali ah oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha Kenya hub geliyaan.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee la qabtay ay kireysteen gaari ayna doonayeen in la marsiiyo waddooyin qardo jeex ah, si ay gudaha dalka u geliyaan hub ay wateen.

Aadan Xasan Maxamed oo 22 sano jir ah iyo Ibraahim Cali Guyo ayaa la qabtay kadib markii darawalkii waday uu qiyaanay, islamarkaana uu geeyay saldhig ciidan, kadib markii uu ka shakiyay waddooyinka ay doonayeen inay gudaha Kenya ka galaan.

Labada ruux ee Soomaalida ayaa la sheegay inay ka tageen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay doonayeen deegaan ku dhow xuduuda, balse darawalka ay la heshiiyeen ayaa dul geeyay saldhig ciidan.

Bastoolado iyo hub kale ayaa lagu qabtay labada ruux iyaga oo doonayay inay gudaha u geliyaan gudaha dalka Kenya, laakiin booliska ma aysan sheegin halka hubka loo waday.