Rag looga shakisan yahay qaraxii Gaalkacyo oo laqabtay

1423

Wali waxaa soconaa howlgalo ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo kaddib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee galaaftay nolashada in ka badan 16 ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgal ay ka sameeyeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku soo qabteen Rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in shaqsiyaadkan la qabtay lagu waddo baaritaan la xiriira tuhunka laga qabo in ay ka tirsan yihiin ama la shaqeeyaan Ururka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyada weearkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa isku diyaarinayay soo dhaweynta safar uu Ra’iisal Wasaare Rooble oo xiligaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo.