Ragii Hoobiyeyaasha kutuuray Dhuusamareeb oo Maxkamad lasootaagay

1425

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo Axad ah bilowday dhageysiga kiiska rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Saddex eedeysane oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa la sheegay inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen Qaraxyada iyo tuuriska hoobiyeyaal ku dhacay Dhuusamareeb, iyagoona gacanta lagu dhigay 4-tii bishaan Febraayo.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Gen. Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda Ciidamada ka dalbaday in Eedeysane Shuceeb Maxamed Salaad lagu rido xukun dil toogasho ah, halka Cabdinuur Cumar Guutaale iyo Mukhtaar Shariif Axmed lagu xukumo xabsi Ciidan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka SIda G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkameynta ragga ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in Maxkamadda Go’aan kasoo gaari doonto kiiska eedeysanayaasha.

Ciidanka amniga Galmudug ayaa dhawaan gacanta ku dhigay rag ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo hoobiyeyaal ku garaacay Magaalada Dhuusamareeb, xili ay ku sugnaayeen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.