Ragii loo haysto dilkii Caa’isho Ilyaas oo maxkamad lakeenay

1822

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa saaka waxaa la soo taagay illaa toban ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen fal kufsi iyo dil ah oo loogu geystey magaalada Gaalkacyo Caa’isha Ilyaas Aadan.

Iyadoo markii ugu horeysay ay ahayd in Maxkamad la soo taago dad loo haysto dilka Caa’isho ayaa Maxkamada Darajada Koowaad dib u dhigtey illaa toddobaad dhagaysiga dacwada.

Dhowaan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland u sheegay in illaa toban ruux loo haysto dilka Caa’isha balse saddex kamid ah raggaas ay si gaar ah baaritaanka ugu socoto.

Waxaa soo dhoweeyay dhagaysiga dacwada dadweynaha Soomaaliyeed badankood oo aad u doonayay in ay arkaan in sharciga la horkeeno ragga ka dambeeyay dilka Caa’isha.

Sababta ka dambeeysay in dib loo dhigo Kiiskiina ayaa ah,kadib markii qareennada u doodayay Ragga lagu eedeeyay falkii isugu jiray kufsigii iyo dilkii ee loo geystay Marxuumad Caa’isha ay dalbeen in la siiyo Waqti ku filan oo ay kusoo ogaadaan xogata dhabta ah.

Magaalada Gaalkacyo dhinac Puntland ayaa waxaa fal arxan darra ahaa loogu geystay gabar yar oo kamid aheyd dadka deegaanka,taasi oo lagu magacaabay Allaha u naxariitee Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd 12-sano jir.