Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo si adag uga hadlay Weerarrada Xuutiyiinta ee Sucuudiga.

20

 

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa sheegay inuu khadka taleefanka kula hadlay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Amiir Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga ee marayay Badda Cas, isagoo sheegay in falalkaasi ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana jebinaya sharciga caalamiga ah.

Shehbaz Sharif ayaa xusay in weerarradaasi ay khatar ku yihiin xorriyadda isu socodka maraakiibta, isla markaana wiiqayaan nabadda iyo amniga gobolka.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Pakistan ay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, isagoo sheegay in isaga, Taliyaha Guud ee Ciidamada Pakistan, Field Marshal Syed Asim Munir, iyo shacabka Pakistan ay si buuxda u taageersan yihiin hoggaanka iyo shacabka Sacuudiga.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta si loo ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka, loona xaqiijiyo in si nabad ah ay u socdaan maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas, Marin-biyoodka Hormuz iyo guud ahaan gobolka.