Ra’iisul wasaaraha Sudan oo ka bad-baaday isku day dil

1599

Raiisel wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay caasimada Khartuum, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

Hamdok ayaa loo raray goob aamin ah kadib qarax maanta oo isniin ah lala beegsaday kolonyadiisa. Xubnaha xafiiska Hamdok ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera in ra’iisul wasaaruhu joogo meel aamin ah.

“Kolonyada ra’iisul wasaaraha waxaa la weerarey xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa,” ayuu yiri Hiba Morgan ee Al Jazeera, oo ka soo warama Khartoum.

Ma jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan.