Ra’iisul Wasaaraha UK oo ku dhawaaqay doorasho deg deg ah

151

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa ku dhowaaqay in waddankaas ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka guud 4-ta bisha July ee soo soocta, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka Associated Press iyo warbaahinta UK.

Rishi Sunak ayaa hadalkan maanta kaga dhowaaqay afaafka hore ee aqalka looga taliyo dalkaasi ee 10 Downing Street.

Sunak ayaa sheegay inuu go’aankan kala hadlay boqorka dalkaais, Charles, uuna ka codsaday in la kala diro baarlamaanka.
Kala-dirista baarlamaanka ayaa ka dhigan in dalkaasi toos u aadiyo olole doorasho oo ku soo afjarmaya maalinta doorashadu dhacayso oo ku beegan Khamiis, 4-ta July.

Ra’iisul Wasaaraha waddankaasi ayaa in muddo ah cadaadis uu uga imanayey hoggaanka xisbiga Shaqaalaha (Labour) oo ugu baaqayey inuu muddeeyo xilliga doorashada.

Xisbiga bidixda xiga ee Shaqalaha oo uu hoggaamiyo Keir Starmer ayaa saadaasha laga qaaday afkaarta dadweynaha ay muujinaysaa inuu ka horreeyo xibsiga midigta ee uu Sunak hoggaamiyo ee (Conservative).

Wakaaladda wararka AP ayaa qortay in xisbiga Conservative uu dalkaasi kasoo talinayey muddo 14 sano ah.

Hoggaamiyahasha Conservative ee muddadaas soo maray UK ayey ka mid yihiin David Cameron, Boris Johnson, Theresa May, Liz Truss, iyo Rishi Sunak oo xilligan talada haya.
Dadweynaha UK ayaa u codeeya axsaabta, iyadoo xibsiga ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka uu soo dhisayo dawladda soo socota.