Ra’iisul Wasaarahii Hore Ee Sudan Oo Geeriyooday

1397
Sadek al-Mahdi, who heads the Umma party, speaks during a news conference at his group headquarters, in Khartoum, Sudan, Wednesday, June 26, 2019. Al-Mahdi who leading Sudanese opposition figure says the African Union and Ethiopia have joined forces in renewed efforts to mediate the crisis in Sudan and bring the ruling generals and protest leaders back to the negotiating table.(AP Photo/Hussein Malla)

Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan Sadiq Al-Mahdi ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah, magacna ku lahaa dalkaasi ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka imaaraadka saakay oo khamiis ah .

Wuxuu ahaa ra’isulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuuka Coronavirus.

Sadiq al-Mahdi oo ahaa 84 jir wuxuu ra’isulwasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989.