Ra’iisul Wasaare Kheyre oo saaka u ambabaxay magaalada Nairobi

1509

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, sida ay shaacisay Wakaaladda wararka ee SONNA.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha iyo Amniga.

Labada dal ayaa horay u galay heshiisyo kala duwan oo la xiriiray ganacsiga iyo socdaalka, inkastoo qeybo ka mid ah heshiiskaas aanu dhaqan gelin.

Kulamada labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo Kenya ay qeyb ka tahay howlgalka AMISOM oo Ciidamo kumanaan askari ka joogaan Soomaaliya.

15-kii bishan Janaayo ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sheegatay weerar lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana weerarkaas oo ay fuliyeen dabley hubeysan lagu dilay 21 ruux.