Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta safarkiisii ugu horeeyey dalka dibadiisa ugu baxaya

1666

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta inuu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka uga baxo tan iyo markii loo Magacaabay xilkaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wajahan dalka Kuwait, waxaana safarkiisu salka ku hayaa ka qeyb-galo tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii Bishii September ee sanadkaan.

Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulm doonaa Amiirka dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordii ah loogu qabto dalkaas,waxaana ka qyeb-geli doona inta badan hoggaamiyeyaal ka socda wadamada Carbeed.