Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas uga qeyb galaya Shirka Caalamiga ah ee sare u qaadista tayada Waxbarashada carruurta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa UK Boris Johnson, Madax ka socota caalamka iyo Mas’uuliyiin kale oo uu kala hadli doono xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo xoojinta kaalmada beesha caalamka.
Waa safarkii 3aad uu ugu baxay dalka dibada tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana uga horreeyey safarkii Jabbuuti ee uu kaga qayb galay caleemosaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo safar kale oo ku tagay dalka Kuwait ka dib geeridii amiirkii dalkaas.