Ra’iisul Wasaariha Baxreyn Oo Goordhow Geeriyooday

1619

Ra’iisul Wasaarihii waddanka Baxreyn Sheekh Khalifa bin Salman Al Khalifa ayaa lagu warramayaa inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalo ka tirsan dalka Mareykanka.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Sheekh Khalifa uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka lagu magacaabo Mayo Clinic ee ku yaalla dalka Mareykanka.

Geerida Sheekh Khalifa bin Salman ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Baxreyn, in kastoo weli wax war ah uusan kasoo bixin Madaxda sare ee dowladdaas kuna aadan geerida.

Ra’iisul Wasaarihii waddanka Baxreyn Sheekh Khalifa bin Salman Al Khalifa ayaa waxaa uu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara adduunka, wuxuuna ku geeriyooday da’da 84 jir.