Raila Odinga oo loogu hanjabay in lamaxkamadeen doono

201

Madaxii hore ee guddiga doorashada Kenya, ayaa ku hanjabay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga, kadib markii uu siyaasigu ku eedeeyay in kooxda codbixinta oo uu ku jiro guddoomiyaha ay gurigiisa ku booqdeen doorashadii sida adag looggu dagaalamay sanadkii hore, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha.

 

Raila Odinga ayaa waday waa yadan danbee isu soo baxyo isdaba joog ah, isagoo ku andacoonaya in Wafula Chebukati uu sameeyay wax isdaba marin, taasoo keentay in uu ku lumiyo tartankiisii ​​shanaad ee madaxtinimada.

 

Inkastoo maxkamada sare ay meesha ka saartay sheegashadiisa ku shubashada doorashada, Odinga, ayaa dhawaan sheegay inuusan madaxweyne William Ruto, u aqoonsaneyn hogagamiye sharci ah, wuxuuna dalbay inuu iscasilo.

 

Axadii, ayaa wuxuu ku hanjabay Raila inuu baahin doono muuqaal muujinaya Chebukati iyo kooxdiisa oo imanaya gurigiisa.

 

Balse Chebukati, ayaa beeniyay in aanay jirin xili ay tageen guriga hoggaamiyaha, isagoo sheegay in sheegashadaasi ay tahay mid been abuur ah, “ayna hoos u dhigtay sharaftiisa.”

 

Qareenka Steve Ogolla, ayaa yiri: “Qofka aan u doodayo waxa uu ka xumaaday in aanad wax taxaddar ah, ama mas’uuliyad ku dheehan tahay aanad qaadanin, marka aad sheegayso hadalada xun ee ka dhalanaya in macmiilkayaga uu soo gaaray dhaawac sumcadeed oo halis ah, iyada oo la tixgelinayo maqaamkiisa iyo mawqifkiisa guddoomiyihii hore ee IEBC,” qareen Steve Ogolla ayaa sidaasi ku sheegay war uu soo saarey.

 

Qareenada Chebukati, ayaa sido kale Odinga u qabtay toddobo maalmood, si uu u caddeeyo sheegashadiisa, haddii kale ay qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.

 

Isniintii, madaxweyne William Ruto, ayaa waxa uu la yaabay sababta ay doonayeen iney tagaan guriga Odinga hawl wadeenada katirsan guddiga doorashada.

 

BBC