Ra’isul Wasaaraha New Zealand oo loo diiday in ay ka cunteeso Maqaayad

1689

Maqaayad ku taala dalka New Zealand ayaa la sheegay in ay u diiday in ay ka cunteeyaan Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Jacinda Ardern uu wehliyay seygeeda Clarke Gayford.

Dowlada New Zealand ayaana qafiifisay xayiraadii dadka lagu soo rogay, waxaana maqaayadaha dalkaasi loo ogolaaday in dib loo furo balse la ilaaliyo kala fogaanshaha dadka si uusan cudurka usii faafin.

Maqaayadaha waa weyn ee dalkaasi ayaa hada loo ogolaaday in ay fadhiisan karaan dad gaaraya boqol qof halka markii hore dad intaasi ka badan fadhiisan jireen si loo ilaaliyo nidaamka kala fogaanshaha dadka.

Warbaahinta dalka New Zealand ayaa ku warantay in Ra’isil Wasaare Jacinda Arden iyo Seygeeda Gayfor mudo sugayeen meel ay ka fadhiistaan maqaayada, hasa ahaatee lamaanahan ayaa loo sheegay in aan boos looga heyn maqaayada.

“waa inaan arrinkan masuuliyaddiisa qaataa, ma jirin meel aan qorshaystay. Aad ayey ugu saxsanaayeen inay maqaayadda naga cayriyaan.” ayuu bartiisa Twitterka kusoo qoray seyga Ra’isul Wasaaraha New Zealand.

Talaabada maqaayada looga ceyriyay Ra’isul Wasaaraha New Zealand iyo seygeeda ayaana hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, waxaana dad badan sheegeen in maqaayada talaabada ay qaaday ku saxsaneyd.