Ra’isul Wasaare Xamse iyo Kuxigeenkiisa oo tagay Dhuusomareeb+SAWIRRO

181

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb oo uu uga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaraha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, masuuliyiin iyo dadweyne farabadan oo ruxayay caleemo qoyan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay Dhuusamareeb, isaga oo dowladda Galmudug iyo shacabka ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee qaybta uga qaadanayaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha Khawaarijta.