Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya oo la amaray in laxiro

880

Maxkamada sare ee Itoobiya ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro, Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya,Haile-Mariam Desilegn

Maxkamada ayaa amar ku bixisay in kiiskiisa la dhagaysto isagoo xiran.

Hayle-Mariyam Desalegn ayaa loo haystaa kiis musuq la xiriira oo dhacay xiligii uu Raisul wasaaraha ka ahaa Itoobiya.

Kiiskan ayaa ahaa mid marar baddan la haddal hayay, iyadoo horeyna marar badan loogu yeeray lama soo xirin.

Wuxuu ka mid yahay siyaasiyinta taageersan xukuumada Abiye Ahmed inkastoo uu dalkaas ka ahaa muddo sanado ah oo u dhexeysay geeridii RW hore ee dalkaas Meles Zenawi iyo markii uu talada dalkaas la wareegay Abiy Ahmed.