Rasaas weli laga maqlayo goobtii xalay la weeraray

1617

Waxaa weli rasaas laga maqlayaa goobihii xalay weerarka lagu qaaday ee Wadada Maka Al-Mukarama ee Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dagaalamayaan.

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay galeen Dhismo u dhow Hotelada hilaac iyo Maka Al-Mukarama oo lagu Magacaabo Shideeye oo ay dad Shacab ah degan yihiin,waxaana wariyeyaal goobta tegay ay sheegeen in Al-Shabaab ay rasaas iyo bambaanooyin kasoo tuurayaan guriga dadka Shacabka ah degan yihiin.

Xaalada ayaa weli kacsan,waxaana goobta ku sugan ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,waxaana sidoo kale la sheegayaa in uu jiro dad hoos kira dhimsooyin ku bur buray qaraxii xalay.