Rashford Oo Waqtigii Geerida quusiyay Wolves +SAWIRRO

2104

Gool uu waqtigii dhimashada dhaliyay Marcus Rashford ayay Manchester United kaga takhalustay Wolves oo madax adeyg muujisay 90ka daqiiqo iyagoo ku qaarjiyay 1-0 islamarkaana soo galay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

Daqiiqadii seddexaad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayuu Rashford dhameystiray kubad dheer uu ka helay Marcus Rashford isagoo guusha u sahlay Red Devils.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Manchester United ay soo gashay kaalinta labaad ee Premier League iyagoo leh 30 dhibcood, waxay labo dhibcood ka danbeeyaan Liverpool oo ay min 15 kulan wada ciyaareen.

Qeybtii hore ee ciyaarta labada kooxood waxay ku kala nasteen barbaro goolal la’aan ah iyadoo aysan jirin fursado badan oo la iska kala helay, fursadii ugu fiicneyd waxaa heshay Man United daqiiqadii 35aad markii kubad uu Greenwood u dhigay Bruno Fernandes oo gool loo fishay uu darbadiisa dafiicka aheyd ku aadiyay goolhayaha.

Dhanka Wolves iyagana waxaa soo martay fursad mar ay birta garaaceen inkastoo De Gea uu badbaadin karay iyo markii uu De Gea fursad cajiib ah ka beeniyay Saiss.

Taatikada Man United ayaa aheyd mid iska cad iyadoo Alex Telles oo ciyaarayay garabka bidix uu soo dhigay todoba karoos qeybtii hore laakiin midkoodna ma uusan helin xiddig saaxiibkiis ah.

Daqiiqadii 70aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta Manchester United ayaa shabaqa soo taabatay markii kubad uu madaxeeyay Eric Bailly oo ku dhacday labo xiddig oo Wolves ah uu dhameystiray Edinson Cavani laakiin goolka waa la diiday madaama uu xiddiga reer Uruguay offside uu ku jiray.

Laakiin Man United ayaa ku dooday in rigoore loo dhigo madaama ay kubada ku dhacday gacanta Conor Coady ka hor inta uusan dhameystiran, VAR oo dib u eegtay ayaa go’aansatay inaysan rigoore aheyd madaama uu xiddiga Wolves isku dayay inuu gacanta ka wareejisto.

Labo daqiiqo ka dib Wolves ayaa fursad abuurtay iyadoo Coady uu kubad fiican dhex dhigay xerada goolka waxaa u kacay Saiss laakiin waxaa bixiyay goolhaye De Gea.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay Manchester United ayaa hurdada ka kacday iyagoo cadaadis saaray Wolves laakiin difaacashada Wolves ayaa aheyd mid adag oo u saamixi weysay Man United inay dhaafto oo ay gool dhaliso ilaa iyo daqiiqadii 3aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.

Kubad dheer uu Bruno Fernandes ka soo qaaday garabka bidix ayaa waxaa xerada goolka la soo galay Marcus Rashford oo kubada toosistay ka hor inta aysan darbadiisa qof ku dhicin kuna nasanin shabaqa.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo ay Manchester United ku badisay.