RASMI: Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Kooxda Tottenham

1686

Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in ay tababareheeda Cusub u magacawday tababare Jose Mourinho kadib markii ay xalay shaqada ka caydhiyeen Mauricio Pochettino.

Tababarihii hore ee kooxda chelsea iyo Man United ee Jose Mourinho ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku sii hogaamin doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2022/2023.

“Tayada xiddigaha kooxda 1-aad iyo waliba tayada da,yarka kooxda ayaa i xiiso galisay”ayuu yidhi jose Mourinho.

“La shaqaynta xiddigaan ayaa is oo jiidatay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tababare Jose Mourinho ayaa hogaamin doonaa kooxdii 3-aad ee ka dhisan horyaalka premier League kadib markii uu horay u soo hogaamiyay kooxaha Chelsea iyo ay Tottenham ku xafiiltamaan London iyo Man United.