RASMI: Majalada France Football Oo Soo Saartay Dhibcaha Ay Kala Heleen Xiddigihii U Tartamayay Ballon d’Or-ka

1816

Majalada France Football ayaa kashiftay Codadkii ay kala heleen xiddigaha u tartamayay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ee uu Lionel Messi xalay ku guulaystay markii 6-aad ee taariikhda.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk kaas oo kaalinta 2-aad ka galay tartanka abaalmarinta xiddiga ugu fiican Adduunka.

Kabtan Messi ayaa helay codad dhan 686 halka uu xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk helay 679 dhibic halka uu Cristiano Ronaldo oo kaalinta 3-aad galay helay 476 dhibcood.

Lionel Messi ayaa kaliya Abaalmarinta Van Dijk ugu garaacay kaliya 7 dhibcood kadib markii ay qaaradaha kala duwan ee adduunku codkooda ka dhiibteen abaalmarinta.

Van Dijk dhibcaha ugu badan ka helay qaaradaha Yurub, Aasia iyo Oceania halka uu Lionel Messi dhibcaha ugu badan ka helay Africa, South America Iyo North America.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Dhibcihihii iyo qaaradihii ay xiddigaha ugu sareeya heleen:

Qaarada Yurub:

Virgil Van Dijk: 231 dhibcood

Lionel Messi: 194

Cristiano Ronaldo: 151

Sadio Mane: 74

Mohamed Salah: 44

Qaarada South America:

Lionel Mess: 47 dhibcood

Virgil Van Dijk: 39

Cristiano Ronaldo: 34

Sadio Mane: 10

Mohamed Salah: 9

Qaarada Aasia:

Virgil Van Dijk: 155 Dhibcood

Lionel Messi: 134

Cristiano Ronaldo: 100

Sadio Mane: 54

Mohamed Salah: 40

Qaarada Africa:

Lionel Messi: 187 Dhibcood

Sadio Mane: 170

Virgil Van Dijk: 154

Cristiano Ronaldo: 111

Mohamed Salah: 68

North America:

Lionel Messi: 102 Dhibcood

Virgil Van Dijk: 86

Cristiano Ronaldo: 68

Sadio Mane: 32

Alisson Becker: 18

Oceania:

Virgil Van Dijk: 14 Dhibcood

Cristiano Ronaldo: 12

Sadio Mane: 7

Mohamed Salah: 5

Lionel Messi: 2