RASMI: Sergio Busquets Oo Seegi Doona Kulanka Barcelona La Ciyaari Doonto Atletico Madrid, Maxay Tahay Sababtu

1738

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa seegi doona kulanka ay kooxdiisu booqan doonto Wanda Metropolitano oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Sababta uu Sergio Busquets ku seegayo ayaa ah in uu xiddiga reer Spain kulankii Leganes qaatay kaadhkii 5-aad ee digniinta ahaa ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga aya horay u qaatay 4 kaad oo digniin ah horyaalka La Liga waxana uu kulankii Leganes qaatay kaadhkii 5-aad ee xilli ciyaareedkan taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka Atletico Madrid.

Marka lagu daro kulankii Leganes Sergio Busquets ayaa ciyaaray 11 kulan oo horyaalka La Liga ah isaga oo 8 kulan ku bilowday.