Rasmi: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Real Sociedad, Miyuu Bale Ka Soo Muuqday

1716

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Zidane ayaa soo xushay 19 xiddig oo uu ka soo xulan doono xiddigaha uu ku ciyaari doono kulanka waxana uu ka reebay xiddiga Gareth Bale kaas oo dhaliyay muran badan intii uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa Wales.

Waxa sidoo kale Liiska ka maqan xiddigaha Vinícius Júnior, Álvaro Odriozola, Nacho, Marco Asensio, James Rodriquez, Lucas Vasquez iyo xiddigo kale.

Waxa Liska ku soo laabtay xiddigaha Luka Jovic iyo waliba Marcelo kuwaas oo ka soo kabsaday dhaawacyo ay qabeen.

Halkan Hoose kaga bogo Liiska uu Zidane u soo xushay kulanka:

Image