RASMIl: Luis Enrique Oo Ku Soo Laabtay Hogaaminta Xulka Qaranka Spain

1815

Xidhiidhka Kubada cagta Spain ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu tababare Luis Enrique ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee xulka qaranka Isaga oo xulka hogaamin doona tartanka Euro 2020.

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona ayaa iska casilay xilka bishii March isaga oo uga tagay xulka sababo la xidhiidha Arimo shaqasi ah iyada oo gabadh yar oo uu dhalay ay dhimatay.

Robert Moreno ayaa sii hogaaminayay xulka qaranka isaga oo si Rasmi ah xulka ugu hogaamiyay is reeb-reebka tartanka Euro 2020 ee la qaban doono xagaaga dambe.

Laakiin Tababare Enrique ayaa haatan Si Rasmi ah ugu soo laabtay shaqada tababaranimo ee xulka isaga oo hogaamin doona wakhtiga soo socda.

Enrique ayaa haatan isku diyaarinaya bilaha soo socda doorashada liiska xiddigaah uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020.