Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu ika diiday in uu ku biiro kooxda Real Madrid isaga oo doortay ku laabashada kooxda Juventus.
Xiddiga reer France ayaa la filayaa in uu isaga tago Old Trafford xagaaga dambe kadib markii uu xagaagii hore qirtay in uu doonayo in uu tartan cusub qaato.
Pogba ayaa wakhti fiican ku qaatay kooxda Juventus intii u dhexaysay 2012 ilaa 2016 isaga oo 4 horyaal oo Serie A-da ah kula guulaystay sidoo kale la gaadhay Finalka champions League.
Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu 26 jirkan go,aansaday in uu ku biiro kooxda Juventus isaga oo iska diiday Madrid kuwaas oo xiiso wakhti dheer ah u hayay saxiixa xiddiga.
Zidane ayaa si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga khadka dhexe intii lagu jiray suuqii xagaaga laakiin Man United ayaa ku adkaysatay in ay ku iibiso xiddiga 16 milyan oo euro taas oo Los Blancos ka hor istaagtay saxiixa xiddiga.