Real Madrid Oo Gabi Ahaan Isaga Hadhay Baacsiga Neymar

1853

Kooxda Real Madrid ayaa gabi ahaan meesha ka saartay in ay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar sida uu sheegayo wargayska AS.

Madaxda sare ee kooxda Real Madrid ayaa ka soo hor jeestay in ay dadaal u galaan la soo saxiixashada xiddiga reer Brazil iyaga oo doorbidaya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kylian Mbappe.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid go,aankaas qaadatay in kasta oo ay u arkaan mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka waliba si fiican ugu soo baxaya kooxda hadii uu ku soo biiro.

Laakiin sababta ay u diidan yihiin saxiixiisa ayaa ah in ay kooxdu ka wal-walsantahay dhankiisa Khaaska ah iyo waliba si uu ula qabsanayo Nolosha Real Madrid.

Xiddiga ayaa muran badan ka dhigay garoonka dibadiisa iyada oo ay ugu dambaysay eedii lagu soo eedeeyay kufsiga taas oo badashay rabitaanka kooxda Real Madrid ee xiddiga iyaga oo aaminsan in ay khatar weyn ku tahay sumcada kooxda.

Real Madrid ayaa haatan awooda saari doonta dhamaystirka suurtagalka ah ee saxiixa xiddiga ay Neymar isku kooxda yihiin ee Kylian Mbappe kaas oo ay u arkaan xiddig ka dagan Neymar.