Real Madrid Oo Guul Ay Mudnaayeen Ka Soo Gaartay Inter Milan +SAWIRRO

1590

Real Madrid ayaa guul ay u qalantay waxa ay kala soo laabteen garoonka Inter oo ay uga talaabsaden laba gool oo nadiif , waxa ayna wada ciyaareen kulan tirsan wareegga afaraad ee Group-yada Champion-ka

Inter Milan kulankaan ma laheyn xaraarad oo ma jirrin xamaasad ay muujiyeen waxa ayna u muuqdeen kuwo aan ku soo talo gallin in ay natiijo wacan kala baxaan kulankaas.

Real waxa ay soo bandhigeen ciyaar taatiko ahaan aad u wacan farsamo iyo jir ahaanna waa ay ka sareeyeen Inter Milan.

Goolka 1-aad ee Real waxa uu ahaa rigoore waxaana daqiiqadii 7-aad saxiixay Hazard halka kan labaad uu yimid daqiiqadii 59-aad waxaana ka dib markii la soo giliyay il biriqsiyo ka dib dhaliyay Rodrygo kaasi oon waqtigaas lagu badalay Mariano Diaz .

Inter waxaa kaarka casaanka laga siiyay Vidal ka dib markii uu dood la galay garsooraha oo uu ku haystay in aan loo dhigin qalad rigoore oo lagu galay balse lama oga in uu aflagaado sameeyay iyo in kale waxaana kaarkaas cas loo taagay daqiiqadii 33-aad.

Xiddiga Oedegaard oo kulankaas la badalay daqiiqaddii 58-aad waqtigaas oo la soo giliyay Casemiro waxa uu soo bandhigay ciyaar aad u qurxoon , aragti dheer, kubad sameyn iyo deganaan ayuu muujiyay xilli Nacho isna uu mudan yahay ammaan

Inter Milan waa ay adkeyd in kubadda cagtooda ku daahdo , weerar ahaan waa ay fashilnaanyeen xilli Real kulankaas laga bad baadiyay dhowr fursad oo xaqiiq ah oo ay birta ku jirtay .

Inter , niyad ahaan waa ay is dhiibeen ka dib kaarka cas mana jirrinw ax ay sameynayeen oo ciyaarta diiradda ma aysan saareyn xilli Real badelka sedexaad sameeyeen daqiiqadii 78-aad waqtigaas oo ay soo giliyeen Junior oo loo badalay Hazard

Guud ahaan kulankaas waxaa kubadda haystay Real waa ayna mudnaayeen guushaas xilli lagu dhameystay ciyaarta 2 gool oo nadiif ah.