Real Madrid Oo Hogaanka La Liga Kala Wareegtay Barcelona +Sawirro

1660

Real Madrid ayaa si rasmi ah u la wareegtay hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Real Sociedad oo marti loogu ahaa Anoeta Stadium, iyadoo kabtan Sergio Ramos iyo Karim Benzema ay shabaqa soo taabteen.

Guushaan ayaa ka dhigan in Los Blancos ay hogaanka La Liga la wareegtay inkastoo ay isku dhibco yihiin kooxda Barcelona oo ay wadaagaan 65 dhibcood madaama ay Real Madrid ku gacan sareyso rikoodhkooda kulamada ay iska horyimaadeen Barcelona iyagoo 4 dhibcood ka qaatay xilli ciyaareedkan.

Kabtan Ramos ayay u aheyd habeen xusuus leh isagoo barbareeyay rikoodhka daafaca ugu goolasha badan taariikhda La Liga laakiin waxa uu sidoo kale ku baxay dhaawac jilibka ah bartamihii qeybta labaad.

Tababare Zidane ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa kulankii caawa isagoo ku soo bilaabay James Rodriguez kaasoo aan u ciyaarin Los Blancos kulan La Liga ah tan iyo bishii October ee sanandkii la soo dhaafay, wuxuu tababare Zizou sidoo kale kursiga keydka dhigay Eden Hazard oo si fiican u dheelay kulankii Valencia.

Los Blancos ayaa fursado heshay qeybtii hore ee ciyaarta laakiin uma aysan caabooneyn sidii kulankii Valencia, iyadoo Vincuis Jr uu bilowgii ciyaarta kubad halis ah dulmariyay goolka.

Daqiiqadii 18aad ayay Real Sociedad iyaduna heshay fursadeedii ugu horeysay iyadoo Odegaard oo amaah uga maqan Los Blancos uu darbo halis ah dulmariyay goolka.

Daqiiqadii 36aad Benzema ayaa fursad uu helay waxaa ka beeniyay goolhayaha Real Sociedad iyadoo uu goolhayaha sidoo kale fursad gool loo fishay ka bixiyay Vincius Jr. dhamaadkii qeybta hor eee ciyaarta, iyadoo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

RIGOORE! Vincius ayaa farsamo ku dhex galay xerada goolka Real Sociedad iyadoo qalad lagu galay ka hor inta uusan darbo halis ah hareermarin goolka, garsooraha ayaa tilmaamay gool ku laad.

Muuqaal caawiyaha garsooraha VAR ayaa si weyn u fiirisay qaladka dhacay iyagoo markii danbe ku raacay go’aanka garsooraha islamarkaana tilmaamay inay rigoore tahay.

GOOOOL!!! Daqiiqadii 50aad: Kabtan Sergio Ramos ayaa rigoorada u soo istaagay kaasoo dhinac qaldan u diray goolhayaha islamarkaana hogaanka u dhiibay Real Madrid. Waa goolkii 7aad ee uu Ramos ka dhaliyo horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

RIKOODH: Ramos ayay sidoo kale u aheyd goolkiisii 67aad ee uu ka dhaliyo La Liga isagoo barbareeyay rikoodhka daafaca ugu goolasha badan horyaalka Ronald Koeman.

Wax yar ka dib markii uu goolka dhaliyay Sergio Ramos waxay jug ka soo gaartay jilibka, isagoo isku dayay inuu garoonka ku sii jiro laakiin waa uu awoodi waayay inuu sii ciyaaro, waxaana daqiiqadii 59aad bedelay Eder Militao.

Daqiiqadii 69aad Real Sociedad ayaa shabaqa soo taabtay markii uu Adnan Januzaj gool gantaal ah dhaliyay laakiin garsooraha ayaa diiday goolka isagoo offside ka dhigay Mikel Merino oo u muuqday inuu goolhayaha hortaagnaa.

GOOOOL!!! Daqiiqadii 70aad: Real Madrid ayaa hogaanka dheereysatay markii kubad loo soo qaaday Benzema uu xabadka ku koontaroolay ka hor inta uusan shabaqa ku hubsanin. Shaki ayaa goolka soo galay iyadoo loo maleynayay in Benzema uu kubada ku koontaroolay gacantiisa laakiin VAR waxay xukmisay inuu goolka sax yahay.

GOOOOL!!! Daqiiqadii 83aad: Real Sociedad ayaa gool ay u qalantay soo ceshatay markii karoos la soo qaaday ay daafacyada Real Madrid ku guuldareysteen inay bixiyaan iyadoo kubada uu helay Merion kaasoo shabaqa meel kore ka geliyay isagoo aan wax fursad ah siinin goolhaye Courtois.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Real Madrid ku garaacday Real Sociedad iyagoo la wareegay hogaanka La Liga madaama ay kulamada fool ka foolka ah kaga fiican yihiin dhigooda Barcelona.