Real Madrid Oo kutumatay Shakhtar Donetsk +SAWIRRO

1372

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Shakhtar Donetsk Kulan ay Guul weyn ugu soo laabatay wadada guulaha champions League.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay guul ka gaadhaan kulanka xilli ay kooxda Shakhtar Donetsk dhankeeda ciyaaraysay kubada rogaal celis ah.

Los Blancos ayay ku adkaatay in ay dhaafto difaaca Shakhtar Donetsk kuwaas oo si fiican u difaacanayay goolkooda waliba diidanaa in ay u ogolaadaan Real in ay dhaafaan.

Laakiin daqiiqadii 37-aad ayay Real Madrid heshay goolka kadib markii uu xiddiga Shakhtar Donetsk ee Serhiy Kryvtsov si khaldan goolkiisa uga dhaliyay gool.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid heshay gool la isaga dhaliyay inkasta oo ay si fiican u ciyaartay.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyada oo doonayay in ay ciyaarta dilaan waliba kooxda Shakhtar Donetsk u diidaan lama filaan.

Xiddiga Vini Jr ayaa laba gool oo deg-deg ah kala dhaliyay daqiiqadihii 51 iyo 56-aad isaga oo bilowgii qaybta dambe ee ciyaartaba dilay kulanka iyo rajadii Shakhtar Donetsk.

Daqiiqadii 64-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Real Madrid ku hogaaminayso.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayay Real Madrid dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.