Real Madrid Oo Lagu Eedeeyay In Ay Sabab U Tahay Uuna Cristiano Ronaldo Ku Guulaysan Ballon d’Or-ka Sanadkii Hore.

1759

Daafaca Kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa kooxda Real Madrid ku eedeeyay in ay sabab u tahay in uuna Cristiano Ronaldo ku guulaysan abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkii 2018.

Giorgio Chiellini Ayaa rumaysan in sababtii kaliya ee uuna Cristiano ugu guulaysan abaalmarinta Ballon d’Or 2018 ay ahayd in ayna kooxdiisii hore Ee Real Madrid doonayn in uu ku guulaysto.

Ronaldo ayaa kaalinta 3-aad ka galay abaalmarinta sanadkan laakiin kabtanka Juventus ayaa Rumaysan in sababtii uu Ronaldo abaalmarinta markii 6-aad ugu guulaysan waayay ay tahay Real Madrid.

“Ronaldo run ahaantii waa laga dhacay Abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkii hore, markii ay Real Madrid hubisay in uuna ku guulaysan abaalmarinta, run ahaantii arin la yaab leh ayay ahay”ayuu Chiellini yidhi.

“Waxa aan Ixtiraam u hayaa Luka Modric xitaa inkasta oo uu qaab fiican soo bandhigay sanadkaas hadana umuu qalmin abaalmarinta”.

“Taasi waxa ay ahayd In Ay Real Madrid Ronaldo ka hor istaagtay ku guulaysiga abaalmarinta”.

“Modric ayaa ku guulaystay Champions League laakiin marka xaqiiqada la eego Virgil Van Dijk ayay ahayd in uu ku guulaysto abaalmarinta sanadkan ama sanadkii hore in ay ku guulaystaan xiddigaha Antoine Griezmann, Paul Pogba Ama Kylian Mbappe kuwaas oo koobka adduunka ku guulaystay”.

“Ku Guulaysiga Modric wax macno ah ma samaynayso”.