Real Madrid Oo Waqtigii Geerida Bar-bar Dhac Lagashay Moenchengladbach+SAWIRRO

1791

Borussia Moenchengladbach ayaa mar kale banaanka soo dhigyay ceebta Real Madrid ee xilli ciyaareedkaan , waxa ayna Real daqiiqadihii dheeriga heleen bar bar dhac aysan waligood iloobi doonin.

Real inkastoo kubadda ay ku badnaayeen hadana waxa ay aheyd mid aan dhameystir laheyn inkastoo qeybtii hore uu dhowr fursad ka bad baadiyay goolhahayaha kooxda Borussia Moenchengladbach

Dhibka Real ee kulankaan waxa uu ahaa in si sax aysan u tageyn gudaha fog ee goosha kooxda ka soo horjeeda halka ay sii dheer tahay dal daloolo dhanka daafaca ah oo aan qarsooneyn oo mar kale kulankaaan banaanka yimid.

Labada gool ee Real laga dhaliyay waxaa u sabab ahaa daafaca kuwaasi oo aan illaalo qaldan sameynay halka sidoo kale ay ka foganaanayeen boosaskooda iyaga oo afka hore si ka bad badis ah ugu soo dhaqaaqayay .

Sidoo kale badalada soo daahday ee Zidane iyana sabab ayay u yihiin maadaama uu sameeyay daqiiqadii 70-aad xilli uu soo giliyay Hazard iyo Modric oo loo badalay Junior iyo Kroos xilli wiilka reer Jarmal uu ahaa kulanakan ahaa maqane jooge halka badalka sedexaadna uu sameeyay daqiiqaddi 84-aad waxa uuna soo gilyay Rodrygo oo loo badalay Asensinso.

Real , dhamaadkii guud ahaan kubadda waa maamuleen waxa ayna labada gool kala heleen daqiiqadihii 87-aad ee uu dhaliyay Benzema halka kan labaad uu dhashay daqiiqadii sedexaad ee waqtiga dheeriga waxaana lahaa Casemiro

Kooxda Borussia Moenchengladbach waxa ay ciyaareen kulan deggan bilaa cadaadis ah ayna sii dheer tahay geesinimo waa ayna mudnaayeen guushaas xilli daafac ahaan ay wacnaayeen waxa ayana Real ku dileen kubadaha rogaal celiska ah .

Dhanka kale Man City ayaa guul weyn wax aay ka soo gaareen Marsellie oo ay uga soo talaabsadeen sedex gool waxa ayna aheyd ciyaar hal dhinac ah.