Real Marid Oo Markii 12-aad Ku Guuleystay Super-ka Cup-ka

1344

Real ayaa ku dhawaaneysaa Barcelona waxa ay qaadeen koobkoodii 12-aad ee Super-ka halka Barcelona haystaan 13 jeer.

Sheekada Ciyaarta :Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay Athletic Bilbao hal gool oo nadiif ah waxa ayna wada ciyaarayeen finalka Super-ka

Modric ayaa dhaliyay gool cajiib ah oo uu banaanka ka toogtay waxa uuna diray farriin ah in da`da tahay kaliya number.

Heer ciyaareed wacan ayay ku soo muuqdeen Real oo dhanka daafac iyo weerarka waa ay ka wacnaayeen xilli qadka dhexe uu ahaa mid cajiib ah.

Kroos , iyo Modric bandhig aan la aamin karin , halka JR iyo Benzema halis ahaayeen , halista ugu badan Real ka imaaneysay garabka middig

Athletic Bilbao halis ku ahaayeen rogaal celiska balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah .

Soo laabashadii , Real waxa ay si sahal ah kubadda u gaarsiinayeen aagga goosha Athletic Bilbao illaa ay heleen rigoore waxaana gool cajiiba  u turjumay Benzema daqiiqadii 52-aad.

Real iyaga ayaa maamulayay kubadda halka Athletic Bilbao kaliya ku jireeen difaac waa ayna adkeyd in kubadda si sax  ah u gaarsiiyaan aagga afka hore .

Athletic Bilbao waa isku dhex yaacsanaayeen waana ku adkeyd in kubadda cagtooda ku daahiyeen  inakstoo dhamaadkii isku dayo ay samaynayeen, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2 gool  oo nadiif ah oo a Real ku qaadeen Super-ka Cup-ka xilli kooxda Bilbao iska qasaariyeen rigoore daqiiqadii 89-ad xilli Milito la eriyay .