Reer Kaaraan oo xalay abaal marino kadhergay+SAWIRRO

220

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehelinayaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudan Saalax Axmed Jamaac iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka ee la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay muwaadiniinta abaal marinta lagu guddoonsiiyey madasha ee ka hortagay falal amni darro, gacanna ka geystay in la soo qabto dhagar-qabeyaal u maleegayey shacabka hagardaamooyin, waxa uuna xusay in amniga caasimadda ee la hagaajiyey ay sabab u tahay wadashaqeynta shacabka iyo dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay in caawa ay haystaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed fursad taariikhi ah oo ay dalkooda ku xoreeyaan, maadaama Xukuumadda ay qaadday tallaabooyin isu soo dhaweynaya Hay’adaha Amniga iyo shacabka, lana xoojiyey kalsoonida, wadashaqeynta iyo dareenka qarannimo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wareejiyey Ciidamada Qalabka Sida 50-neef oo geel ah oo ay jeebkooda ka iibiyeen Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.