Rikoodh: Man City Oo Rikoodh Ka Dhigtay Premier League Kadib Guushii Chelsea

1694

Kooxda Man City ayaa rikoodh ka dhigtay horyaalka premier League kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Chelsea kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa todobaadkii 13-aad.

Goolal ay dhaliyeen Kevin De Bruyne iyo Riyad Mahrez ayaa City ka caawiyay in ay ku soo laabato kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Guushii ay Man City ka gaadhay Cheslea ayaa ka caawisay Citizen in ay dhigto rikoodh taariikhi ah oo horyaalka Premier League.

Rikoodhka taariikhiga ah ee ay Man City dhigtay ayaa ah in ay gaadhay guushii 400-aad ee taariikhdeeda horyaalka premier League.