Robert Lewandowski Oo Khatar Ku Ah Rikoodhada Cristiano Ronaldo Ee Taariikhiga Ah Ee Champions League

1621

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo 10 gool ku hogaaminaya tartanka gool dhalinta champions league.

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 4 gool kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxda Bayern Munich guusha weyn ka gaadhay kooxda Red Star waxana uu ku dhaw yahay rikoodho ku diwaan gashan Magaca Cristiano Ronaldo.

Robert Lewandowski ayaa goolashiisa champions League kor ugu qaaday 65 gool isaga oo kaalinta 5-aad kaga jira gool dhaliyayaasha taariikhiga ah ee champions League isaga oo ka dambeeya Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Raul iyo Karim Benzema oo kaliya ka horeeya hal gool.

Robert Lewandowski ayaa ku dhaw in uu jabiyo rikoodha Cristiano Ronaldo ee xiddiga ugu goolasha badan champions League wareega Group-yada kaas oo uu Ronaldo dhigay 11 gool-na ka dhaliyay.

Xiddiga reer Poland ayaa kaliya u baahan hal gool in uu bar-bareeyo halka uu kaliya 2 gool u baahan yahay hadii uu rikoodh cusub ka dhigayo tartanka.

Rikoodhka kale ee uu Robert Lewandowski isha ku hayo ayaa ah mid kale oo uu Ronaldo dhigay kaas oo ah xiddiga ugu goolasha badan xilli ciyaareed kaliya oo champions League ah oo 17 gool ah laakiin Robert Lewandowski ayay shaqo adag u taalaa maadama laga doonayo 7 gool oo kale hadii uu doonayo in uu bar-bareeyo rikoodha iyo 8 gool hadii uu doonayo in uu mid cusub dhigo.